Arimaha Bulshada Breaking News Somali News Top News

Ciidanka Dowladda oo looga digay iney hor istaagaan Gaadiidka Gurmadka deg dega ah xilliyada Masiibada jiraan

Taliyihii hore ee nabad galyada Waddooyinka Sarreeya Gaas Cali Xirsi Barre Cali Gaab oo la hadlay Warbaahinta ayaa uga digay Ciidamada dowladda in ay is hor istaag ku sameeyaan Gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Ambalaaska iyo sidoo kale kuwa Dab damiska.

Taliye Cali Gaab ayaa sheegay in loo baahan yahay in Waddooyinka loo furo Gaadiidkaasi xilliyada dhibaatooyinka ay ka dhacaaan gudaha magaalada Muqdisho.

Waxaana uu shaaca ka qaaday in Askarta ka tirsan Ciidamada dowladda ee is hor istaaga ku sameeya Gaadiidka gurmadka deg dega ah laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga.

Related posts

Akhriso: Magacyada Xubnaha Aqalka Sare ee Jubbaland uga Mid Noqday Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaliya oo Maanta la Magacaabay

Tifaftiraha K24

DAAWO: Xukuumada Somaliya oo loogu deeqay lacag gaareysa 200 oo milyan

gurey

Ciidamada Maamulka Galmudug oo alshabaab kala wareegay.

admin