Somali News

Ciidanka Amniga Magaalada Muqdisho oo soo gacanta kudhigay Hub farabadan.

Ciidanka Amniga ayaa howlgal ay ka fuliyeen degaanka Ceelasha Biyaha  ku soo qabtay caawa nin ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, NISA ayaa sheegtay in sidoo kale ay ka soo qabteen ninkan hoygiisa walxaha qarxa kuwaasoo kala ah 10 Miinada gawaarida lagu dhajiyo, 10 Mobile oo qaraxyo lagu fulin rabay, 8 Bam gacmeed nooca loo yaqaano F1 iyo bastoolado.

Ciidanka Amniga ayaa howlgal ay ka fuliyeen “Ceelasha Biyaha” ku soo qabtay caawa, dhagarqabe gurigiisa ku hayey walxa qarxa, si shacabka loogu dhibaateeyo″ ayaa lagu yiri qoraalka NISA ee la soo dhigay barta Twitter-ka.

Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada dowlada ay isla degaanka ceelasha ka heleen god weyn oo Al-shabaab ay ku keydsadeen hub aad u fara badan oo isugu jiray waxyaabo qarxa, rasaas iyo kuwo kale.

 

Related posts

TOP NEWS: Diyaaraddo Dagaal oo Duqeyn ka geestay Deegaan Hoostaga Dagmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose

admin

TOP NEWS: Beesha Caalamka oo Si Cad u sheegtay in Dhaqaalihii ay ugu tala galeen Doorashada Soomaliya la…..

Tifaftiraha K24

Dhageyso: Dowlada Japan oo Shegtay in kaaalamada ay Siiso Soomaliya aysan usoo Marin Doonin Hey’addaha Gar gaarka

admin