Somali News

Ciidan ilaalinjiray Xarumaha ugu muhiimsan dalka oo iskaga hayaamay dalka.

Wararka naga soogaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo ka socday Dalka Uganda ay isaga baxeen Muqdisho,kuwaas oo dhameystay shaqadooda halka sano ahayd ee ay ka hayeen howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa waxaa ay mas’uul ka ahaayeen Xarumaha ugu muhiimsan dalka sida Madaxtooyada,Baarlamaanka, Dekadda Muqdisho, Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo meelo kale oo ka mid ah Muqdisho.

Ciidamada Uganda ee dalka ka baxay ayaa sidoo kale ku sugnaa Gobolka Shabeellaha hoose sida, Balli-doogle, Afgooye, Laanta Buuro, Arbacow, iyo Carbiska.

Waxaa lagu soo beddelay Guuto kale oo la wareegtay dhamaan howlihii Ciidamada ka baxay Soomaaliya, kuwaas oo laftooda todobaadkii hore soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Taliyaha CiidankaUganda ee Soomaaliya Michael Kabango, ayaa aad u bogaadiyay Ciidamadaas oo uu sheegay in ay howl wanaagsan ka qabteen Soomaaliya si wanaagsanna u guteen shaqadooda.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhowr Arrimood ka Dalbaday Shacabka Soomaaliyeed

Sakariye Sakariye

Sawirro Hordhac ah: Madaxweyne Farmaajo oo Hadda gaaray Koonfurta galkacyo qaabkee ayaa loo soo dhaweeyay?

admin

DEG DEG:Dagaal xoogan oo ka socda jiidaha hore & Khasaaraha ka dhashay oo Dhimasho Iyo Dhaawacba leh