Somali News

Ciidamada Xooga Somaliya oo Cagta Mariyey Saldhig Ciidan oo ay lahaayeen

Ciidamada dowladda ayaa sheegay iney burburiyeen saldhig kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen Gobolka Shabeelaha hoose, halkaasoo ciidamadu tilmaameen iney ka soo abaabuli jireen falalka guracan oo ay ku dhibaateynayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Howlgal qorshaysan oo Ciidamada amnigu fuliyeen habeenimadii 29-ka Bisha Maarso ayaa lagu burburiyay Saldhiga argagixisada Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Bariire ee Gobolkaasi sida ay baahisay warbaahinta dowlada oo soo xiganeysa saraakiil ciidan.

Sidoo kale, ciidamada ayaa sheegay in howlgalkaas lagu soo xiray dagaalyahan ka tirsan Al-Shabaab, waxaana inta ay ciidamada howlgalka ku guda jireen gacanta ku dhigeen qalab dagaal oo ay lahaayeen Al-Shabaab sida ay sheegeen.

saraakiisha ayaa intaas ku daray ineysan jirin waxyeelo soo gaartay Ciidanka amniga iyo Shacabka Soomaaliyeed ee deegaanka howlgalka laga fuliyay ku sugnaa.

Related posts

TOP NEWS: Hey’adda NISA oo soo Bandhigtay Hub iyo Dad lagu eedeyay in ay Isticmaalayen+Sawiro

admin

Faafahin ka soo baxaysa Shil ka dhacay Dagmada Baardhere

admin

Ciidamada Dowladda oo isbaarooyin ka qaaday Sh/Hoose

admin