Somali News

Ciidamada Xooga Dalka iyo Xarakada Alshabaab oo isku heysta

Wararka ka imaanaya Deegaanka Bariire ee G/sh/hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay ka qaxayan dadka Shacabka ah, xili uu kasocdo dagaal goos goos ah oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda oo Bariire la wareegay iyo Xarakadda Alshabaab.

Xalay goor danbe Magaaladasi waxaa laga maqlayey Madaafiic culculus oo ay is weydaarsanayeen  Ciidamada iyo Alshabaab.

Mid kamid ah Dadka Deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in dadku ay ka cararayaan Deegaanka sababo amni Darteed.

Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan Alshabaab kala Wareegay Deegaanka Bariire oo kamid ah meelaha muhiimka ah ee ay mudada dheer Maamulayeen Alshabaab.

Related posts

Xawaaladaha Soomaalida ee USA oo dib loo furaayo bari

admin

Dibed-bax saaka ka bilowday Muqdisho

admin

Warbixin: Mooshin iyo Khilaaf sii xoogeysanaya iyo Saameynta Imaaraat-ka iyo Itoobiya

admin