Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

Ciidamada Mareykanka oo shaaciyey in ay dileen.

War kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeyn diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen gobolada Jubooyinka ay ku dileen sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab.

Afhayeenka ciidamada Mareykanka ee Afrika ka howlgala Col, Chris Karns ayaa sheegay in duqeyn ku dileen sargaal katirsanaa Al Shabaab oo hogaaminayay weerar ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni oo lagu dilay askari katirsanaa ciidamada Mareykanka.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in duqeyn ka dhacday 19kii Bishii hore ee April meel u dhow degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ku dileen Sarkaalka ka tirsanaa Shabaab oo lagu Magacaabayay Cabdullaahi Jabiyow  iyo  dagaalyahan kale.

Afhayeenka ayaa xusay in sargaalkan ay dileen uu hogaaminayay weerar hoobiyaal ah 8-dii Bishii June sanadkii 2018 lagu qaaday xero milatari oo kutaala  Baar Sanguuni, waxaana weerarkaasi ku dhintay askari Mareykan ah oo lagu magacaabayay Alexander Conrad.

Related posts

DAAWO:- Madaxweyne Faransiiska Oo Ra’iisul Wasaare Kheyre Kusoo Dhaweeyay Paris

admin

Daawo Muuqaal: Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Axmad Madoobe oo Hadal Kulul uga Naxsaday Musharixiinta u tartameysa Doorashada Madaxweynaha Soomaliya

Tifaftiraha K24

Dhagayso:- In Kabadan 30 qof oo ku dhintay Degaan katirsan Gobalka Bakool

admin