Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

Ciidamada Jubba oo dib u qabsaday deegan ay Daacish kala wareegtay

Taliyayaasha ciidamada amniga maamulka Jubbaland ee aagga Dhoobley ee Jubbada Hoose ayaa sheegay inay ciidankoodu dib u qabsadeen deegaanka Tuulo Barwaaqo.

Deegaanka Tuulo-Barwaaqo, ayaa waxaa dhowr maalmood ka hor qabsaday maleeshiyo sheegay inay ka goosteen ururka Al-Shabab oo taageera ururka Daacish.

Korneel Haybe Axmed Cabdullaahi oo ka mid ah taliyayaasha Jubbaland waxa uu sheegay in maleehsiyadaas ay dadka degaanka u sheegeen inaysan bixinin lacagaha zakada ee ururka Al-Shabaab ay ururiyaan.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in kooxdii qabsaday Tuulo-Barwaaqo ay dadka deegaanka u sheegeen inay ku xiran yihiin kooxda Daacish.

VOA

Related posts

Top News: Puntland oo mar kale war ka soo saartey Mooshinka ka dhanka ah Xildhibaanadda Maamulka Jubba.

admin

Gen Shegoow oo lagu calemosaaray Magaalada Jowhar…

admin

R.Wasaaraha oo shacabka uga tacsiyadeeyey geerida Maxamed Abshir Walde.

Tifaftiraha K24