Somali News

Ciidamada Amaanka Somaliya oo Howlgalo balaaran kawada Magaalada.

Ciidamada ammaanka Afgooye ayaa saaka howlgallo qorsheysan ka sameeyay gudaha degmadaasi.

Howlgalladan ayaa yimid, kadib markii xalay Afgooye lagu dilay mid ka mid ah ergadii wax ka soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Diini Barre Cabdi, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi.

Al Shabaab ayaa inta badan dilal qorsheysan iyo weeraro toos ah ka fuliya magaalada Afgooye oo 30 KM dhanka koonfur galbeed ka xigta magaalada Muqdisho.

Related posts

TOP NEWS: Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Maanta u Fariisatay Dhageysigii labaad ee Dacwadda eedeysanayaasha loo heysto inay ka damabeeyeen qarxii ka dhax dhacay Diyaaradda Daallo+Sawirro

Tifaftiraha K24

XOG: Maxaad kala Socotaa Socdalka Madaxweynaha Galmudug ee Addis Ababa uu ku tagay iyo Itoobiya oo doneysa in C/Kariim Guulled uu…

admin

Muqdisho oo wali kala xiran xili ay dadku u dabaal-dagayaan maalinta koowaad ee Ciida

admin