Somali News

Ciidamada Amaanka Muqdisho oo Nin hobeysan ku dilay agagaarka.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa ku dilay magaalada Muqdisho nin ku hubeysnaa qori Ak-47 ah ka dib markii ay ka shakiyeen.

Falkan ayaa xalay ka dhacay isgoyska Maana booliyo ee degmada Shibis ka dib markii ciidamo halkaas ku lahaa bar kontrol uu ku soo baxay nin hubeysan oo la socday mooto bajaaj wadada mareysay.

Warar mar dambe soo baxay ayaa sheegaya in ninka la dilay uu ka mid ahaa ilaalada gudoomiye ku-xigeenka maamulka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Dilka ka hor ninka hubeysan iyo ciidamada amaanka ayaa waxaa la sheegay inuu dhexmaray muran xoogan oo sababay in markii dambe rasaas lagu furo ninka qoriga watay.

Ciidamo kale oo ka tirsan dowlada ayaa dilka ka dib halkaas gaaray, iyagoo qaaday meydka iyo qoriga uu ku heysnaa ninka dilay, mana jiro war ciidamada amaanku ka soo saareen dhacdadan.

 

Related posts

Dhagayso:- Odayaasha Sh/Dhexe oo shalay RW Cabdweli Xeebta Liido ku Canaantay 'RW Isbaarooyinka Badan wax ka qabo "

admin

Daawo Sawiro: China oo sheegtey inay dib u fureyso safaaraddii ay ku lahayd Muqdisho

admin

Daawo: Guddoomiye Yariisow” Waxaan ka shaqeyn doona in Talada loo Dhaweeyo Shacabka”

admin