Somali News

Cali Gacal Casir oo laga reebay Shirka  ka furmaaya Magaalada.

Magaalada Garoowe shalay waxaa gaaray masuuliyiin ka socota Maamul Goboleedyada ka jira Dalka kuwaasi oo ka qeyb galaya shir halkaasi ka furnaya,

Xubnaha gaaray waxaa hogaaminaya Gudoomiyaasha barlamaanada Maamul Gobolyeedyada hase yeeshee waxaa ka maqan Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir kaasi oo khilaaf kala dhaxeeyo madaxda Galmudug.

Warar ay heshay warbaahinta mudug24 ayaa sheegaya in masuuliyiinta Galmudug gaar ahaan madaxda Galmudug ay ka danbeeyeen in Cali Gacal laga reebo shirka ka furmaya Garoowe,

Madaxda Galmudug ee ku sugan Dhuusomareeb ayaa u sheegay gudiga Shirka in Cali Gacal Casir uusan matalin Galmudug isla markana taageersaneen taasi oo keentay in laga reebo sida mudug24 xogta ku heleyso,

Gudoomiye Cali Gacal Casir ayaa khilaaf xoogan kala dhaxeeya madaxda ugu sareesa Galmudug kadib markii uu ku biiray garabka ku sugan Cadaado.

Related posts

Dhagayso: Howlgallo Burburin ah oo ka bilaawday Magaalada Kismaayo.

admin

Jubbaland iyo Dowladda Dhexe yaa qaldan Yaase Saxan? ( Qodobbo Dastuuri ah)

admin

Dhageyso: Xoghayaha arimaha dibadda Ingariiska oo shalay muqdisho uga dhawaaqay go’aan ay aad uga naxday soomaliland

Tifaftiraha K24