Breaking News Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

Banaan bax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

Waxaa goordhaw banaan bax looga soo horjeeday dil ay shalay Ciidamada AMISOM degmada Hiliwaa ugu geesteen dad shacab ah uu ka dhacay Isgooska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.

Dadka banaan baxa dhigayay ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay uga soo hoprjeedeen Ciidamada AMISOM oo shalay si naxariis daro ah afar qof oo shacab ah u dilay kadib qarax loo dhigay.

Banaan baxayaasha ayaa ugu baaqayay dowlada Federaalka Soomaaliya in ay qaado talaabo deg deg ah ayna cadaalada marsiiso ciidamadii AMISOM ee shalay dilay afar qof oo rayid ahaa.

Dibad baxayaasha ayaa xiray laamiga Tarabuunka waxa ayna is hortaag ku sameeyeen kolonyo gaadiid ah ay wateen ciidamada AMISOM kuwaa oo markii dambe wadada xoog ku maray kadib rasaas ay fureen.

Ciidamada AMISOM ayaa shalay magaalada Muqdisho ku dilay afar qof oo ku sugnaa agagaarka Isgooska SOS, waxaana ehelada dadka la dilay sheegeen in aan la aasi doonin marxuumiinta ilaa wax laga qabto ciidamadii dadkaasi dilay.

Related posts

Amin Camir oo sawir ku cabiray cida Somalia la dagtay…

admin

NAXDIN: Maxaadan Ogeyn Oo Naxdinteeda Leh Oo Xalay Baladweyne Ka Dhacay (War Ayaan Idinka Wadnaa)

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Dhageyso Waxgaradka Gobolka Hiiraan oo Jawaab Kulul ka Bixiyay Wejiga Labaad ee Shirka Jowar oo Madaxweynaha uu Shalay Furay

Tifaftiraha K24