Askari Mareykan Somali ah oo lagu helay dil.

0

Maxamed Nuur oo ahaa Wiil Soomaali ah oo askari ka ahaa gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa lagu helay in uu dilay haweenay u dhalatay dalka Australia  oo aan hubaysnayn.

Falkaan ayaa dhacay  15 Luulyo sannadkii 2017, waxaana labaddii sano ee lasoo dhaafay ku socotay Maxkamadeyn kala duwan.

Maxamed Nuur ayaa toogasho ku dilay Ruszczyk Damond oo qaabishay dhanka gaariga uu askarigu ku jiray iyada oo rabta in ay ku wargaliso in ay ka shakiday in guri ay daris yihiin oo Minneapolis ku yaalla uu kufsi ka dhacayo, laakiin nasiib daro Maxamed nuur ayaa si lama filaan ah u toogtay.

Maxamed nuur  ayaa  toddobaadkii hore qirtay in uu rasaasta furay isaga oo ka baqaaya in isaga iyo askarigii la shaqaynaayay weerar gaadmo ah lagu soo qaaday.