Arimaha Bulshada Breaking News Maqaalo Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

AMISOM Oo War Xasaasi Ah Kasoo Saartay Hadalkii Shalay Shabaab Ee Qaraxii Deegaanka Ceel Gaal

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa beeniyay in 30 Askari oo ka mid ah Ciidamada Itoobiya ee ku jira AMISOM lagu dilay Gobolka Hiiraan.

AMISOM waxaa ay sheegtay in weerarka Miinada ah ee ka dhacay Degaanka Ceelgaal ee Gobolka Hiiraan ay ku dhaawacmeen afar Askari oo ka tirsan AMISOM kuwaas oo dhaawac fudud oo soo gaaray lagu daweeyay Isbitaal ku yaalla Beledweyne.

Xarakada Al-shabab ayaa shalay sheegatay in weerar Miino ah oo lala beegsaday Ciidamada Itoobiya ee ku jira AMISOM ay ku dileen weerarkaas.

Ciidamada Itoobiya ee weerarka la kulmay ayaa la sheegay in ay ku sii socdeen dalkooda,waxaana maanta la sheegay in ay ka gudbeen sohdinta Gobolka Galguduud uu la wadaago dowlad degaanka Soomaalida.

Related posts

Dhagayso:- Barlamanka Puntland oo ka hadlay Mooshinkii la Meelmariyeey ee Jubbaland

admin

DHAGEYSO:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Sugidda Ammaanka Muqdisho.

Ahmed sudani

TOP NEWS: Mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Puntland ee u geeriyooday Dhaawac Shalay soo gaaray+Magaca Sarkaalka

admin