Somali News

Al Shabaab Oo La Wareegay Deegaan Ku Yaalla J/ Hoose

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay in a  la wareegtay  gacan ku heynta deegaan kaabiga ku haya xadka ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya ee dhanka gobolka Jubbada Hoose.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay in dagaalyahannadooda ay la wareegeen deegaan lagu magacaaboDag Caday oo saldhig u ahaa Ciidamada Jubalanad.

Dagaal dhexmaray labada dhinac ayey sheegeen Al Shabaab in ay ku hanteen deegaankasi.

Saraakiil ka tirsan Al Shabaab ayaa tilmaamay in goob fagaare ah ay kula hadleen dadka deegaanka, islamarkaana  ay ugu baaqeen ka  qeyb qaadashada wax ay ugu yeereen  halganka lagula jiro Ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya.

Ma jiro wax illaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowlad goboleedka Jubbaland oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa hadda dagan, waxaana deegaanka Dag Caday oo hoostaga degmada Dhoobley ku sugan dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab.

Related posts

Mahadaay:- Iska horimaad qasaara gaystay oo ka dhacay Shabeelaha dhaxe

Ahmed sudani

Weerar lagu qaaday Guriga Musharax Cabdiraxmaan Cirro ee magaalada Hargeysa

admin

Daawo: Dadkii ku dhintay weerarkii pizza house waxaa kamid ah seddex gabadh oo isla dhalatay iyo meydad horleh oo la helay

Tifaftiraha K24