Somali News

AKHRISO: Xiliga la dooranayo Gudoonka Barlamaanka Galmudug oo lasoo saaray.

Waxaa maanta magaalada Dhuusomareeb ee xarunta Maamulka Galmudug kulan ku yeeshay guddiga Doorashada Gudoonka Baarlamaanka uu yeelanayo maamulkaasi, kuwaa oo shaaciyay habraaca doorashada Gudoonka.

Guddiga ayaa sheegay in qabashada Araajida musharaxiinta u taagan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa ay bilaaban doonto 14-ka bishan iyadoona ku eg 15-ka bishan .

Waxa ay sidoo kale guddiga sheegeen in khudbad jeedinta Musharaxiinta ay dhici doonto 16-ka bishan oo ku beegan Khamiista halka doorashada ay dhici doonto 17- bishan oo ku beegan maalinta Jimcaha.

Halkan ka Akhriso Habraaca Doorashada Gudoonka Baarlamanaka Galmudug.

Related posts

Muuqaal: Maxaadan Ogeyn Oo Caabuudwaaq Ka Cusub (Warbixin Muuqaal Ah Ayaan Idinkaga Wadnaa)

Tifaftiraha K24

Qurba joogta reer puntland oo isku diyaarinayaa ka qeeb galka xalfada airport Bandar Qaasim ee Bosaso

admin

Somaliya Oo lagu tilmaamay Inay marayso Meeshii Ugu Hoosaysay Dhinaca Amniga..