Somali News

Akhriso: Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha soomalia oo gabi ahaanba soo afjartay jiritaanka rugta ganacsiga iyo warshadaha

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay go’aano ay Wasaaraddu ay ka soo saartay dhismaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Qoraalkan ka soo baxay wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha  ayaa lagu sheegay in wixii laga bilaabo maanta la baab’iyay rugta ganacsiga iyo warshadaha maadaama ay jiraan labo rug ganacsi oo ka dhisan magaalada Muqdisho.

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa waxaa guddoomiye ka ahaa Maxamuud Cabdikariin Gabeyre halka Rug Ganacsi oo kale ay ku dhowaaqeen qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdisho waxaana taasi ay keentay khilaaf heer sare ah oo marka dambe la gaarsiiyay dowladda federaalka.

Halkaan hoose ka aqriso war-saxaafadeedka

Related posts

VIDEO: Axmad Madoobe oo Hal codsi ka dalbaday Wafdiga Golaha Aqalka Sare( Muxuu yahay?)

admin

Kooxo hubeysan oo Xalay Muqdisho ku gowracay Wadaad xusaayay Dhalashada Nabi Muxamad NNKH

admin

Maamulka Somaaliland oo dad shacab ah ku xir xirtay Magaalada Laas-caanood.

admin