Breaking News Maqaalo Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

AKHRISO: Taliyihii Ciidanka Sirdoon Ka Qaran Ka Sanbaloolshe Oo Ku Sugan Itoobiya Qorshahiisa.

Taliyihii hore ee hey’adda nabad sugidda qaranka Soomaaliya,  Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), oo muddo toddobaad ah ku sugan dalka Itoobiya, ayaa warar kala duwan kasoo baxaayaan qorshaha safarkiisa.

Sanbaloolshe oo noqday mucaarad tan iyo markii xilka laga qaaday, ayaa la rumeysan yahay in uu kulamo gaar ah la yeeshay sirdoonka Itoobiya, isla markaana la wadaagay warbixinno la xiriira sirdoonka iyo howlaha amniga Soomaaliya.

Lama hubo qorshihiisa rasmiga ah ee booqashadiisa Itoobiya, balse warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya, in Sanbaloolshe uu doonaayo in saaxiibtinnimo cusub uu la sameysto Itoobiya iyo Imaaraatka, si markale uu uga soo muuqdo masraxa sare ee siyaasadda Soomaaliya.

Waxaa lala xiriiriyaa in uu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo sirdoonka Itoobiya, iyadoo la ogyahay in si dhow ay u wada-shaqeyn jireen xilligii uu ahaa taliyaha nabad sugidda Soomaaliya.

Booqashadiisa Itoobiya ayaa imaaneyso xilli uu dhowaan sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeeshay saraakiil ka tirsan sirdoonka Imaaraatka Carabta. Sanbaloolshe oo hadda aad ugu kacsan dowladda hadda jirta, ayaa horey u noqday wasiir, xildhibaan, safiir iyo taliyaha nabad sugidda Soomaaliya.

Related posts

Xasaasi: Beesha Caalamka oo Baaq u muuqday Hanjabaad deg deg ah u dirtay Xildhibaanada Labada Aqal

Tifaftiraha K24

Dhagayso:- Suldaan maxamed Yusuf Cabdi oo Waraysi Xasaasi ah bixiyeey Shirkii Kismaayo Xiisada Boosaaso+ Hormarka Garoonka Boosaso

Tifaftiraha K24

Wargeyska Washington Post: Xad gudubyada bustaha ka hooseeya ee ciidnka Kenya ay u geystaan Soomaalida.

admin