Somali News

Akhriso: Maxay tahay sababta loo afduubtay wariye hanad cali guulled oo ka tirsan idaacadda goob joog

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in ay afduub u geesteen wariye hanad cali guulled oo ka tirsan shaqaalaha idaacadda maxalliga ah ee goob joog fm muqdisho.

Wariyaha waxaa afduubtay dableey aan weli la heyb garan iyadoona afduubkiisa ka hor uu xalay dhan la kulmaayay hanjabaadyo fara badan sida ay sheegtay marwada u dhaxda wariye guulled.

Hada maamulka idaacadda goob joog ayaa goordhaw war rasmi ah ka soo saaray afduubka wariyaha.

Halkaan ka aqriso qoraalka maamulka idaacadda goob joog fm 

Wariye Hanad Cali Guuleed oo war soo saare ka ah Goobjoog Television ayaa subaxnimada Sabtida waxaa rag aan heybtooda la garan ka afduubteen duleedka magaalada Muqdisho.

Guuleed ayaa maalmahan ku howlanaa olole bini’aadannimo, isaga oo wax ka aasaasay hay’adda Media for Aid, qoyskiisa waxaa ay sheegayaan in habeennadii dambe loogu hanjabayey khadka Telefanka, loona sheegay in uu howlahaasi ka haro.

Qoyska Hanad,  waxaa afduubkan u sababeynayaan arrimo la xiriira howlaha gargaarka iyo ololaha Media for Aid.

Hanad Cali waxaa uu qoyskiisa soo wacay waxyar kadib markii la afduubtay isaga oo sheegay in qol yar lagu xiray, lana jirdilay, wixii intaa ka dambeeyayna xiriir lagama hayo.

“Afduubka Hanad Cali Guuleed waxaa ay dhaawaceysaa damiirka warbaahinta Soomaaliyeed, waana sii socoshada dadaallada lagu aamusinayo saxafiga ay ka go’an tahay in uu runta sheego, una noqdo cod Soomaalida aan codka laheyn” sidaasi waxaa yiri agaasimaha guud ee Goobjoog Media Group Xasan Maxamud Maxamed.

Goobjoog Media Groups waxa ay cambaareyneysaa afuduubka Hanad Cali Guuleed, waxaa ayna  ka wal-walsan tahay noloshiisa, ciddii afduubatayna waxa ay ugu baaqeysaa in si dhaqso ah ku daayaan.

Related posts

SAWIRRO: Ciidamada Birmadka Maamulka Puntland oo dhoola tus Ciidan soo bandhigay.

admin

War Hada: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Xubno la socda oo Goordhaw Gaaray Magaalada….

Tifaftiraha K24

Akhriso:- Muxaadaro uu Qaban lahaa Sh Umal oo la joojiyay Maxay tahay Sababta?

admin