Somali News

Akhriso: Madaxweyne Farmaajo oo amar deg deg ah kusoo rogay hey’addaha dowlada iyo madaxdii waqtigooda dhamaaday

Madaxweynaha soomaliya maxamad c/llahi farmaajo ayaa soo saaray amar lagu xanibaayo dhaq dhaqaaqa bangiga dhexe ee soomaliya.

Madaxweyne farmaajo waxa uu amar ku bixiyay in gabi ahaan la hakiyo akoonada hey’addaha dowlada iyo shaqsiyaadka ku lug leh dowladii hore ee watqigeeda uu dhamaaday.

Amarkaan ayaa sidoo kale waxaa lagu xanibay in hey’addaha dowlada ay akoono gaar ah ka sameystaan bangiga dhexe ee soomaliya iyo waliba bangiyada kale ee gaarka loo leeyahay kuwaasi oo xamar ku yaala.

Amarka madaxweynaha ayaa waxaa uu si toos ah ugu wajahanyahay masuuliyiintii hore ee dowlada waqtogeeda uu dhamaaday maadama dalka uu galaayo marxalad kala guur ah sida caadada ahna ay madaxda markuu isbedel dhaco ay sameeyaan xatooyo dhaqaale iyo wax isdaba marin musuq maasuq.

Waa amarkii ugu horeysay oo uu bixiyay madaxweynaha cusub ee soomaliya kaasi oo qeyb ka ah balan qaadkiisii ku aadanay in uu si xoogan ula dagaalami doono muqus maasuqa iyo in lagu tagri falo hantida qaranka.

Related posts

DEG DEG:- Shirkii Xamar oo Fashil kusoo dhamaaday & Warsaxafadeed Gordhow Laga soo saarayo

Tifaftiraha K24

Gudoomiyaha Gobalka Bari Puntland oo Xalay Weraar lagu qaaday

admin

Diyaarada Qatar Airways oo Somalia ka shaqabilabaysa

admin