Somali News Top News Xulashada K24

Akhriso:-Gudoomiye Xaliimo yareey oo Sheegtay in Odayaasha Dhaqanka aysan Wax Talo Ah Ku Yeelan Doonin Doorashada 2020-Ka

Ururada Haweenka Gobolka Banaadir ayaa maanta la hordhigay Warbixin la xiriirta Qorshaha Gudiga doorashada ee geedi socodka doorashada 2020-ka,Gudiga Maxabanaan ee doorashooyinka Qaran ayaana bulshada kala tashanaya aragtidooda doorashada.

Gudoomiyaha Gudigaasi Xaliimo Ismaaciil Xaliimo yareey ayaa madasha kulan ka sheegtay qorshohooda kulamada aragti wadaaga oo ay dhowr magaalo ka soo sameeyeen.

“Maant waxan isugu imaanay inaan ka tashano arrimha doorashada isu imaatinken ma aha maxaan muqdisho ka sameyneynaa haweenka doorkee ayay ku yeelan doonaan ilaa iyo hadda 20 degmo oo dalka ah ayan tagnay si aan bulsahda ula tashano ayay tiri Xaliimo Yareey”

Gudoomiye Xaliimo Yareey ayaa sido kale faah faahisay waxa laga tashanayo iyo fahanka laga heysto,waxaana ay bogaasay doorka bulshada somalida oo ay lasoo kulantay .

Sidoo kale waxa ay sheecisay in Odayaasha Dhaqanka aysan wax wadatashi ah ku laheyn doorashooyinka Sanada 2020 laakin  in loo gudbi doono hanaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay uga qeyb galayaan doorashada.

Qorshaha aragti wadaaga doorashada ayaa la filayaa in dhawaan lasoo gunaanado oo ay gudigu soo bandhigaan aragtida ay ka soo uruuriyiin deegaano kala duwan ee Dalka taa oo la xiriirta meelaha hadda ay tilmaamayaan Bulshada Somaliyeed.

Related posts

TOP News: Wariye mahad Xasan Diini oo isu sharaxay Xilka Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ

admin

Wiil Soomaali ah oo lagu dhex dilay xabsi ku yaala Magaalada London

Ahmed sudani

Maamulka Galmudug oowar kulul ka soo saaray qaraxii ka dhacay Magaallada Galkacyo

admin