Arimaha Bulshada Somali News

Top: Gudoomiye Kaliil oo Muqdisho soo gaaray sheegayna Inuu usii gudbi doono Magaalada Kismaayo oo uu kaga qeyb-galaayo shir muhiim ah.

Gudoomiye Maxamed cabdi Kaliil oo Muqdisho soo gaaray Ayaa Warfidiyeenada kula hadlay garoonka aadan cadde ee Muqdisho, isagoo beeniyey war ay baahiyeen warbaahinta Qaar ee Magaalada Muqdisho,oo ahaa in laga soo masuufiriyay Gobolka Gedo.

Kaliil Ayaa dhinaca kale sheegay in maalmaha soo aadan ay u Duuli doonaan isaga Iyo siyaasiyiin kale Magaalada Kismaayo, halkaasi oo uu sheegay iney kaga qeyb gali doonaan shirka dib u heshiisiinta Beelaha jubooyinka oo dhawaan halkaasi ka furmaya.

Horay Muqdisho waxaa u joogay siyaasiyiin ay kamid yihiin col barre aadan shire hiiraale, xildhibaan Maxamuud Cali Magan, janaraal Cali Madoobe,cabdi shire, Cabdiwaaxid goonjeex, Sheekh Maxamed awlibaax, Maxamuud sayid aadan Iyo siyaasiyiin kale, kuwaas oo uu Mudane Kaliil sheegay iney wada gaari doonaan Magaalada Kismaayo.

Muqdisho waxaa horay isugu arkay siyaasiyintii mucaaradsanaa Jubaland Iyo Hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe.

Qore: Abdirahman Abdisalam Haji
Tifaftiraha Kismaayo24.com

Related posts

Wasiirka Amniga Jubbaland Nin dhacay Hanti ay lahaayeen Xildhibaano oo la qabtay

admin

XOG: Arrin sii fogeyneysa Khilaafka Farmaajo & Axmed Madoobe oo Muqdisho ka socota

Mohamed Abdirashid Abaajo

(AKHRISO)Mareykanka Oo Sheegay Inuu Duqeyn Ku Dilay Xubno Ka Tirsanaa Ciidamada Al-Shabaab

Sakariye Sakariye