Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

faafaahin: Raisal Wasaaraha oo so Gaba-gabeeyey Kulamadii uu la lahaa Madaxda Galmudug unasii gudbay Magaalada Garoowe.

Raisal Wasaaraha Soomaaliya oo barqanimadii maanta Gaaray magaalada Cadaado ayaa goordhaweyd ka duulay garoonka Diyaaradaha ee Degmadaasi, isagoo kusii jeeda Magaalada Garowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Mr Sharmaake Raisal Wasaaraha Dalka ayaa u duulay garowe kadib markii uu cadaado kulamo kula qaatay Hogaamiyayaasha Galmudug waxayna kawada hadleen sidii looga baaqsan lahaa dagaal markale ka dhaca magaalada Gaalkacyo.

dhinacooda Maamulka galmudug ayaa Raisalwasaaraha ka balanqaaday joojinta Dagaalkaasi, waxaysa hoosta ka xariiqeen ineysan u dulqaadan doonin duulaan markale uu maamulka Puntland kusoo qaado dhulka ay Maamulaan galmudug.

Raisalwasaraha ayaa lafilayaa si lamid ah sida galmudug inuu dhinacooda Maamulayaasha Puntland kala hadli doono joojinta colaadaha kajira magaalada Gaalakcyo.

 

wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe hadii alle idmo

Related posts

XOG:- Madaxwaynaha Somaliya oo Saxiixay dhismaha Maamul Goboleed loo samayo Sanaag, Sool iyo Deegaanada Cayn

admin

Daawo:Sawirada Beesha waceysle oo qaadacday shirka Maamul u sameynta gobolada dhexe

admin

Dhageyso: Colaad ka jirta deegaano ka mid ah Maamulka.

admin