Breaking News Somali News Top News

DEG DEG: Ciidamadii ugu badnaay oo itoobiyaan ah oo ka baxay dhuusa-mareeb iyagoona isla maanta ka gudbay xadka

Wararka aynu ka heleyno dagmada dhuusa-mareeb ee gobolka galgaduud ayaa waxa ay sheegayan in ciidamadii ugu badnaay oo itoobiyaan ah ay isaga baxeen magaalada dhuusa-mareeb.

Ciidanka oo saldhig weyn ku lahaay dhuusa-mareeb ayaa waxaa la sheegay in ciidankii ugu badnaay ay saldhigga faarujiyeen iyagoona u baqoolay dhanka xadka labada dal.

Dadka ku dhaqan deegaanada dhaca xadka labada dal ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada itoobiya oo wata baabuur dagaal ay ka gudbeen xadka soomalia iyo itoobiya ay wadaagaan.

Ciidamada itoobiya ayaa dhawaan isaga baxay dagmada ceelbuur oo mudo seddex sano ah ay gacanta ku haayen waxaana hada magaalada gacanta ku haaya xarakada alshabaab.

Dadka ku nool dagmada dhuusa-mareeb ayaa ka baqdin qaba in dagaalamayaasha alshabaab ay magaalada weerar kusoo qaadaan maadama ciidamada itoobiya ay magaalada ka baxeen waxaana hada magaalada ku sugan ciidamo tiro yar oo itoobiyaan ah iyo maamulka ahlu-sunna oo magaalada gacanta ku haaya.

 

Related posts

Sawiro: Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka John Kerry oo booqday goobtii ay ku taallay Safaaraddii Mareykanka ee la qarxiyay 1998

admin

SAWIRRO:- Maxaabiis ka tirsanaa ONLF oo laga siidaayay Xabsiga Jigjiga

Ahmed sudani

TOP NEWS: Madaxweyne farmaajo oo ka hadlay qaraxii Maanta wadajir ka dhacay iyo ciidamada xooga dalka inay….

Tifaftiraha K24