Animation

Dhageyso: Magaalada Boosaaso oo ay ka bilaabatay Baacsiga Kooxaha .

no responses
Thursday December 7, 2017 - 10:30 under Maqaalo iyo Warar by gurey
mqdefault
Spread the love

Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacayd Dhedo, ayaa sheegay inaysan u dulqaadaynayn culasyka amni ee Boosaaso, ayna sugayan amniga magaalada.

”Qof Bini’aadam ah inta amni loogu dulqaadan karo ayaan ugu dulqaadanay, amni kale oo aan sidaa u hagranay oo aan u sii daynay runtii ma qaadi karno, magaaladuna ma qaadi karto” Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Bari.

Yuusuf Maxamed Wacays, ayaa sheegay inay beegsanayaan Argagixiso, waxaana uu xusay in natiijo wannaagsan ay kaso bixi doonto hawlgalka.

”Caawo laga bilaabo magaalada hawlgal amni baa jira, cid aan dan ka leenahay ma jirto, dadka halkaan jooga iyo dadkii wax naga dhexeeyen, dadkii hebel iyo hebel loo garanayay ma doonayno, cid gaar ah ma doonayno, Argagixiso ayaan doonaynaa, Guri walba waan galaynaa, meel walba waan galaynaa, ILLAAH idankii dhib ma wadno, waxaan rabnaa innaan amniga sugno” Ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Hadalka Guddoomiyaha gobolka Bari ayaa kuso aadaya xilli maalintii shalay ay heshiis wada gaareen Ganacsatada iyo dawlada.

Facebook Comments