Somali News Top News

Yaa kasoo qeybgalaya Caleema Saarka Madaxweyne Farmaajo ?

Warbaahinta Caalamka ayaa siyaabo kala duwan wax uga qoraysa Madaxda lagu wadaa in ay ka qeyb galaan Caleema Saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo)

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa la xaqiijiyay in uu imaan doono Magaalada Muqdisho ,islamarkaana uu ka qeyb gali doono Caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale Warbaahinta dalka Kenya ayaa qoraysa in Madaxweyne Uhuru Kentta uu kulamo kala duwan uu la qaadan doono Madaxweyne Farmaajo , islamarkaana ay ka wada hadli doonaan wadiiqa ay kuwada shaqeyn karaan labada dal ee dariska ah.

Sidoo kale Madaxweynaha dowladda Uganda ayaa la sheegay in ay suurta gal tahay in uu soo dirsato wakiil , laakiin uusan asaga imaan.

Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa imaan doono Muqdisho oo ka qeyb gali doona Caleemasaarka Madaxweyne Farmaajo.

Ra’iiuslwasaaraha dowladda Itoobiya ayaa la hadal hayaa in uu kasoo qeyb gali doono Caleema Saarka inkastoo wararka qaarna ay sheegayaan in uu soo dirsan doono wasiirkiisa arimaha dibada.

Waxaa sidoo kale kasoo qeyb gali doona Caleema saarka  Madaxda dhowr wadan oo kale iyo   dhowr wasiiro arimo dibadeed oo ka socda dalalka Qaarada Afrika.

Related posts

DEG DEG: Alshabaab oo la wareegay deegaan muhiim ah oo gobolka mudug ku yaala kadib markii….

Tifaftiraha K24

admin

Dhageyso: Dowlada Jabuuti iyo QM oo War ka so saaray Doorashooyinka Dalka Soomaliya Sanadkaan ka qabsoomaya

admin