Xulka qaranka Soomalia oo gaaray final-ka koobka CECAFA

0

Wiilasha Xulka qarankeenna soomalia ee da’doodu ay ka yartahay 17-jirada ayaa usoo gudbay ciyaarta kama dambeysta ah ( final) koobka bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA Cup.

Xulka soomalia ayaa waxa ay guul muhiim ah ka gaareen dhiggooda dalka Uganda iyagoona uga adkaaday 1-0 waxaana ay finalka la ciyaari doona xulka dalka Tanzania.

Guddooomiyaha xiriirka kubada cagta Afrika Axmed Axmed ayaa balan qaaday in uu daawan doono finalka koobka una safri doono dalka burundi isagoona farxad iyo guul u rajeeyay wiilasha xulka qarankeena soomalia.