Somali News

Xukuumada Soomaaliya oo Safiir cusub u magacawday dalka Maraykanka.

Amb. Cali Shariif Axmed ayaa loo magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Washington, waxaana uu noqonayaa safiirkii 3aad oo muddo afar sano gudahood ay si rasmi ah dowladda Soomaaliya u magacawdo Mareykanka.

Cali Shariif ayaa horay u soo noqday Safiirka Soomaaliya u fadhiyay dalka Itoobiya oo muddo todobo bilood ahaa iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Faransiiska.

Tan iyo horaantii sanadkii 2018 xilka Safiirnimo ee magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa ahaa mid bannaanaa, kaddib markii Safiirkii xilkaas hayay Axmed Ciise Cawad loo magacaabay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya.

 

Related posts

Gen Fartaag oo ka hadlay dareenkiisa ka dib …..

admin

Top News: Madaxweyne Xassan Sheekh oo warqad u direy dhigiisa dalka Mareykanka Obama (Maxay warqadda ku saabsantahay?).

admin

Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya oo dhaqdhaqaaqyo shaki dhaliyey ka wada Magaalada Baydhaba

gurey