Somali News

Xukuumada Soomaaliya Iyo Dalka Denmark Oo Kawada Hadlay.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Denmark, Rasmus Prehn, ayaa magaalada Washington ku yeeshay kulan looga hadlay qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida dowladda Denmark ay dowladda Soomaaliya ugu taageeri karto in deynta laga cafiyo horraanta 2020.

Rasmus Prehn oo ballan qaaday in dowladda Denmark ay sii wadeyso taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya ayaa ammaanay guusha ay dowladdu ka gaartay hannaanka dib-u-habeynta.

Mudane Xasan Cali Khayre oo Washington uga qayb galay kulanka miiska wareegsan ee looga hadlay deyn cafinta dalka, ayaa horay kulamo kala duwan ula qaatay wasiirrada maaliyadda Norway, Netherlands iyo Talyaaniga iyo madaxweynaha Bangiga adduunka.

Related posts

UNHCR oo sheegtey in Qaxooti cusub oo soomali ah ay iska diiwan galiyeen Dhadhaab

admin

Taliyaha Saldhigga Dagmada Warta nabadda iyo Saraakiil kale oo Xabsiga la dhigay+Ogoow Sababta

admin

Akhriso: Jubbaland oo soo Gudbisay Liiska Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaliya

Tifaftiraha K24