Xukuumada oo Soomaaliya bilowday Soodaabilida iyo dib  Soo Celinta Maxaabiista Soomaaliyeed Ee Ku Jira Xabsiyada Caalamka.

0

Cabdullaahi Xaamud Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in ay wadaan dadaallo ay dib ugu soo celinayaan Maxaabiista Soomaaliyeede ee ku xiran Xabsiyada Caalamka.

Dhanka kale Wasiiru Dowlaha ayaa xusay  in todobaadkaan illaa 7 Maxbuus oo ku xirnaa Seychelles lagu soo celiyay Magaalada Muqdisho kuwaas oo mid ka mid ah uu dhameystay mudadii xariga.

ayadoo ay horay uguu guuleyysatay Xukuumada Federaalka Soomaaliya in ay Maxaabiis Soomaaliyeed ka soo deyso waddanka Dariska nala ah ee  Ethiopia.