Animation

Xukuumada Somaliya oo ka Soosaartay Bayaan Go,aankiii Madaxweyne Trump ee Magaalada Barakeysan

no responses
Friday December 8, 2017 - 8:01 under Maqaalo iyo Warar by gurey
mqdefault
Spread the love

Xkuumada Federaalka Soomaaliya ayaa  bayaan ka soo saartay go’aankii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaasoo uu ugu aqoonsaday magaalada  Quddus inay tahay caasimadda yahuuda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Soosaaratay Bayaan ku salaysan  walaac kusaabsan  go’aankii ka soobaxay  Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

HALKAAN KA Akhriso Bayaanka:-

Xukuumada Federaalka Soomaaliya waxaa ay si dhow ula socotay, iyada oo ka walaacsan go’aanka halista ah ee uu qaatay Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kaasoo uu ugu aqoonsaday magaalada barakaysan ee Al-Qudus in ay caasimad u tahay Israa’iil.

Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Maraykanka in ay si dhab ah uga fiirsato halista go’aankan uu ku leeyahay mustaqbalka dalalka Bariga-dhexe iyo guud ahaan Caalamka.

Xukuumada Soomaaliya iyo shacabkeeda waxaa ay la diyaar yihiin markasta taagerada iyo garab istaagga shacabka Falastiin sidii ay u hanan lahaayeen xuquuqdooda dowladnimo.

Facebook Comments