Xukuumada Somaliya oo Dacwad kadhan ah Shirkada DP World ugudbisay Jaamacada Carabta.

0

Warar hoose oo aanu ka helnay ilo lagu kalsoonyahey  ayaa sheegaya in Dowlada Somaliya ay fariin cabasho ah u gudbisay Golaha Jaamacada Carabta.

Dhanka kale Ergada ka socota Xukuumada Somaliya ayaa  sheegtay in warbaahinta laga sheegay heshiis 3 geesood ah oo looga faa’ideysanayo Dekadda Berbera kaas oo ay galeen DP World, iyo mas’uuliyiin gudaha ah iyo mid ka mid ah dowladaha dariska ah.

Qoraalka loo gudbiyay Jaamacadda Carabta waxaa lagu xusay in dowladda federaalka ah ay si rasmi ah u sheegtay in heshiiska aaney qayb ka ahayn, cid u matashana aaney jirin, iyada oo heshiisku ka hor imaanayo qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya  iyo in uu yahay faragelin arrimaha gudaha iyo midnimada Soomaaliya.

Sidoo kale Qoraalka ayaa lagu xusay in Heshiiskan  ay wada-galeen dad aan wax bixin karin lana siiyay dad aan istaahilin, waxaana Jaamacadda Carabta loo gudbinayaa  qaraar ka dhan ah heshiiska, kuna qasbaaya dowladaha xubnaha ka ah in ay u hoggaansamaan.