Somali News

Xukuumada dalka kenya oo si kulul uga jawaab celisey eedeyn uga timid.

Dowladda Kenya ayaa markale ka Jawaabtay eedeyn Khamiistii lasoo dhaafay dowladda Federaalka Soomaaliya u jeedisay, taasi oo aheyd in Kenya ay faragelin cad ka wado xuduudka labada dal ay wadaagan.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in aysan waxba ka jirin eedii uga timid dowladda Soomaaliya ee la xariirtay in faragelin ay ku wado Siyaasadda Arrimaha gudaha dalka iyo xuduudka labada dal.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa sheegtay inay Cabasho ka yihiin qoraal uu Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay u gudbiyay Golaha Ammaanka, kaasi oo lagu sheegay in Kenya ay faragelin ku wado Somalia, waxaana sidaas qoray  Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Nairobi oo tilmaamay inuu arkay qoraalka kasoo baxay Kenya.

Somaliya ayaa eedeyntii Kenya ay u jeedisay waxa ay aheyd faragelin toos ah inay ku hayso Siyaasadda Somaliya & sidoo kale xuduudaha Somaliya.

Inkastoo Kenya & Somaliya ay yihiin laba dal oo jaar ah, haddana Kenya inta badan waxa ay faragelin muuqata ku sameysa Siyaasadda Somaliya, waana midda keentay cabashada dowladda ka soo yeertay.

Kenya waxaa ka jooga Somaliya Ciidamo ku hawlgala magaca Amisom, waxaana ay ka shaqeeyaan Jubbooyinka & Gedo, balse faragelin kale oo Siyaasi ah ayeey Somaliya ka gaysataa Kenya.

Related posts

Xiisad Ka Taagan Magaalada Beledweyne Iyo Ciidamo La Wareegay Xarunta Maaliyadda.

admin

Dhageyso: Beelihii ku dagaalamayey Gobalka Shabeelaha Hoose midood oo gacan ku heynta Marka la wareegey

admin

Digreeto: Madaxweyne farmaajo oo Magacaabay Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada iyo Latiyaasha Gaarka ah ee Madaxwaynaha

Tifaftiraha K24