Xukumada Engiliiska oo ugu deeqday £8 million dadyowga aysaameysay

0

Dowladda UK ayaa sheegtay in lacag dhan 8 Malyan oo geni oo udhiganta 10 milyan oo doolar ay ugu deeqayso taageero beni’aadanimo ee Soomaaliya oo ay abaaruhu saameeyeen.

Xafiiska howlaha beni’aadannimada QM ee UNOCHA ayaa sheegay in lagu qiyaasay 5.4 milion oo Soomaali ah ay haatan qarka ufuulaan cunno yari bisha July taasi oo ugu yaraan 2.2 milion ay dhici karto in ay soo foodsaarto cunno la’aan.

20-kii bishan May sanadkan 2019-ka hay’adaha gargaarka ee Soomaaliya ayaa billaabay qorsho looga jawaabayo abaaraha kaasi oo ku baaqay in la helo kheyraad looga hortagi karo mashkilado ballaaran oo ay sababaan abaarahani.

Lacagta ay bixinayso UK oo lagu tiriyo in ay tahay wadamada ugu badan ee deeqaha dhinaca beni’aadannimada ee Soomaaliya.

Cadadka lacagta 8 milyan ee geni ayaa loo kala qoondeeyay in ay ku kala baxdo 3 million oo pound in la siiyo hay’adda Unicef, 3 million oo geni ay uwareegi doonto hay’adda WFP iyo 2 million oo geni oo ay la boodi doonto hay’adda FAO