Animation

Xukumaa’ul-Muslimiin oo ugu baaqay Culumaa’udiinka Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan Danaha Qaranka iyo dib u heshisiinta

no responses
Sunday November 22, 2015 - 4:31 under Arimaha Bulshada by admin
mqdefault

Shir weynaha Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin ” حكماء المسلمين” oo ka dhacay Dalka Masar ayaa laga soo saaray baaq ku wajahan culumaa’udiinka Soomaaliyeed.

Xoghayaha Guud ee Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin Dr. Cali Alnaciimi ayaa khudbad uu ka jeediyay shirweynahooda wuxuu ugu baaqay Culimada Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan Danaha Qaranka iyo dib u heshisiinta.

“waa inaan dhisno Gole isku keena Culumaa’udiinka Soomaaliyeed kuwaasoo laga rabo inay ka shaqeeyaan Dib-u-heshiisiinta iyo Danaha Qaranka Soomaaliyeed”ayuu yiri Dr. Cali Alnaciimi

Shirka Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin waxaa lagu soo hadal qaaday weerarada ay dunida ka geystaan xoogaga jihaadiistayaasha iyagoona ka soo horjeestay.

Mas’uuliyiinta Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin waxay soo jeediyeen inaan Magaca Islaamka lagu waxyeeleyn dad aan waxba galabsanin.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafka Soomaaliya C/qaadir Sh. Cali Ibraahim (Baqdaadi) ayaa ka qeybgalay shirka Golaha Xukumaa’ul-Muslimiin.

 

golah golah2 golaha golaha1 golaha3

KISMAAYO24 NEWS AGENCY

ABDI KAFI ABDI ABDULLE

MUQDISHO-SOMALIA