Somali News

Xubnaha labada Gole ee dowladda oo ka tacsiyadeeyey geerida Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh JIbriil

Alle ha unaxriisee Waxaa maalintii shalay dalka Imaaraadka Carabta ku geeriyooday Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xooshi Jbriil oo ku geeriyooday isbitaal kuyaala magaalada Dubai ee xarunta isutagag Imaaraadka Carabta.

Geerida Marxuumka C/raxmaan Xooshi Jbriil waxaa ka tacsiyadeyeye mas’uuliyiin ka tirsan dowladda,oo isaugu jira wasiiro iyo xildhibaano iyo xubno kale.

Mudane Xil Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaah Soomaaliya,Xil Axmed Maxamed Jaamaca(Cirro),Xil Aaamino Cumar Jaamaca,Xil Guuleed Ceydaruus Cige,Xil Ismaaciil C/raxmaan Sheekh Bashiir,Xil C/kariin Maxamed Xasan,Xil Siciid Cabdi Xuseen,Xil Suuri Diiriye Carab,Xil Hudda Axmed Cali,,Suldaan Siciid Diiriye Axmed iyo Mudane C/llaahi Xayir Ducaale,dhamaan mas’uuliyiintani waxaa ay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda uga tacsiyadeeyeen geeridii ku timid C/raxmaan Xooshi Jbriil wasiirki Arrimaha Dastuurka Dowladda Soomaaliya.

Related posts

Alshabaab oo gacanta ku dhigay diyaarad Drone ah oo kusoo dhacday Duleedka Magaalada Kismaayo

admin

Madaxweyne Xasan Sheekh “ Halla soo maro waddada saxda ah ee Dastuurkeenna tilmaamayo”

admin

TOP NEWS: K/galbeed oo Cawada ku dhawaaqday Go’aan ay Jubbaland horay u shaacisay…

Tifaftiraha K24