Animation

Xasaasi: Maxaa ka jira in Alshabaab ay dileen Guddoomiyihii Deegaanka Kulbiyoow Maxaase hada ka cusub Magaalada??

no responses
Friday January 27, 2017 - 2:57 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Faah faahintii ugu dambeysay ee hada aynu ka heleyno deegaanka Kulbiyoow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayan in Maleeshiyadii Alshabaab ee Magaalada Saakay la wareegay in ay Goordhaw ka baxeen.

Alshabaab ayaa la sheegay in si Nabad ah ay uga baxeen Magaalada waxyar kadibna ay gudaha magaalada soo galeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa Kenya ee Saakay Magaalada ka baxay.

Magaalada waxaa hada dul heehaabaya Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee dowlada Kenya waxaana dadka deegaanka ay warbaahinta u sheegen in Xaalada Magaalada ay tahay dagan Markii laga reebo Diyaaradaha Magaalada dul heehaabaya.

Warar kaloo aan heleyno ayaa waxa ay sheegayan in Guddoomiyihii deegaanka kulbiyoow  Maxamed Tooxyare Nuux  uu ku dhuntay Dagaalka shabaanka kusoo qaadeen Magaalada.

Guddoomiyaha waxaa la sheegay in uu ku jiray Saldhiga Ciidamada Kenya xiliga Shabaabka weerarka soo qaadayeen sidaasna uu ugu geeriyooday goobta.

Alshabaab waxa ay sheegtay in ku dhawaad 57 Askari ay ka dileen Ciidamada Kenya inkastoo Dowlada Kenya ay warkaasi beenisay

Laba ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in mintidiinta kooxda Al-Shabaab ay saldhigga weerareen oo ay qabsadeen subaxnimadii jimcaha.

Weerarka ayaa ku billowday baabuur xamuul oo walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo saldhigga lagu qarxiyey, waxaana xigay rasaas xooggan iyo ciidamo dhulka ah oo weerar ku qaaday.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarka uu socday muddo 90 daqiiqo ah, ayna Shabaabka ka awood badiyeen ciidamada Soomaalida iyo kuwa Kenya.