Animation

XOG:Wada hadalka Galmudug iyo Ahlusunna oo dhamadka Bishaan ka furmaya Dhusamareeb.

no responses
Thursday November 19, 2015 - 8:02 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Usbucaan waxaa wadanka Itobiya garay wufuuf kala duwan oo ka kala socotay Maamul Goboleedka Galmudug iyo Maamulka  Ahlusunna.

 

Ujeedada ugu weyn ee wufuudan u adeen Wadanka Itobiya ayaa ahaa in ay si hormariyaan xiriirka  Dowlada Itobiya iyo in  labadan maamul oo is haya lo kala dabqaado.

 

Wafdiga  Madaxda Galmudug ayaa ayagu ka dagay magaalada Adis Ababa halkaas oo ay kula kulmeen Madaxda ugu saraysa wadanka Itobiya halka maamulka Ahlusunna  ay ka dageen Maagalada Jigjiga  halkaas oo ay kula kulmeen Madaxda ugu saraysa  Ismaamulka Somalida Itobiya iyo Sarakiil her fadaraal ah.

 

Kulamo kala duwan oo ay Masuliyiintaani la yesheen  Madaxda Dalka Itobiya kuwaas oo ku sabsanaa sidii lo xalin laha Khilaafka labada Maamul ayaa ugu danbeyn  ku soo dhamaday in labada maamul la wada hadalsiiyo.

 

Sida Kismaayo24 ay xog hoose ku heshay Wadahadaladan ayaa waxay bilaabanayaan dhamaadka Bishaan waxaayna ka furmayaan Magaalada Dhusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

 

Wadahadaladaan ayaa waxaa  daadahayn doona Urur Goboleedka IGAAD waxaana ka qayb qaadan doona Labada dhinac ee is haya waxaayna socon doonan Mudo usbuuc ah.

 

Hadii Wada hadaladaan ay mira dhalan oo lagu heshiiyo Maamulka Galmudug waxaa uu gabi ahaan u soo wareegi doona ama u ku shaqayn doona Magaalada Dhusamareeb ee Caasimada Rasmiga ah ee Galmudug.

 

XOGTAN WAXAY GAAR U TAHAY WARBAAHINTA KISMAAYO24.COM

 

Facebook Comments