Animation

Xogta ugu xiisaha Badan doorashada Madaxweynaha oo la helay iyo Musharixiin dhowr ah oo…..

no responses
Tuesday February 7, 2017 - 10:32 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Illaa iyo iminka oo doorashada ka harsan tahay wax ka yar 24 saac ayaa qiyaasta soo baxaysa waxay sheegeysa in qaar ka mid ah musharixiinta sare u soo kacaayan, halka qaar kalena hoos u sii dhacayso rajadooda ah inay ku soo baxaan afarta ugu sareysa, hase yeeshee maadama waxaa laga hadlaya ay tahay doorasho iyo siyaasad wax kasta daqiiqad ayay isku bedeli karaan, iyadoo ay socdaan shirar iyo shukaansi fara badan oo siyaasiyiinta sameynayaan.

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday Xasan Sheekh Maxamud oo mar labaad doonaya in uu ku soo laabto talada ayaa ilaa iyo imanka saadaasha la bixinaya ugu horeeya musharixiinta,waxaana la qiyaasaya in %42 uu haysto codadka Xubnaha labada aqal.

Kooxda ololaha u qaabilsan Madaxweyne Xasan Sheekh waxay ka fikirayan natiijada doorashada ka soo baxaysa wareega hore, waxay doonayaan inay sameeyaan wax kasta oo ay isaga fogeeyan Musharax Hawiye inuu ku soo dhowaado ama kaalinta labaad soo galo, waxaana ay culeyska saarayaan inay kala dhantaaliyan awooda Shariif Sheekh Axmed oo loo arko ninka kaliya ee saameynta ku leh.

Xanta suuqa soo gashay saacadihii u dambeeyay iyo kor u kaca Musharaxiin qaar ayaa waxay durbaba noqotay inay wax badan ka bedesho saadaasha maalmihii u dambeeyay soo baxayay.

Arrinta ugu hadal heynta badan saacadihii u dambeeyay ayaa ahaa in Cumar C/rashiid in Cumar C/rashiid uu kor u soo kacay, kaasoo labo maalin ka hor rajadiisa aheyd mid hooseysa.

Tani ayaa ka dambeysay, markii uu taageero ka helay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, iyadoo kulan qado oo uu shalay la yeeshay Mr Gaas Xildhibaanada ka soo galay Puntland u sheegay inay taageeraan Cumar C/rashiid.

Sababaha ugu weyn ee C/wali Gaas u yimid Muqdisho ayaa ah inuu xoojiyo Cumar C/rashiid oo rajadiisa ay hoos u sii dhaceysa, taa bedelkeedna Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ahaa rajadiisa mid maalmihii la soo dhaafay kor u soo kaceysay, laakiin sare u kaca Cumar iyo dadaalka Puntland ugu jirto inay meesha ka saarto Musharax kale oo Daarood ayaa iyana ah arrin meesha ku jirto.

Dabcan Puntland waxaa ka go’an inuusan Farmaajo ama nin kale oo daarood ah ku soo bixin jagada Madaxweynaha, sidaas darteed waxay doonayaan in hadii ay waayaan Madaxweyne in Ra’iisul Wasaare helaan

Shaxda labaad ee siyaasiyiinta Puntland ciyaarayaan ayaa waxaa uu yahay taageerida Shariif Sheekh Axmed, waxaase dhinac kale laga cabsi qabaa in heshiiska horu dhaca ee la sheegay inay wada galeen Sheekh Shariif iyo Farmaajo inuu saameyn ku yeesho Shariifka, marka loo eego loo loolanka Beelaha Majeerteen iyo Mareexaan.

Loolanka siyaasadeed ee Majeerteen iyo Mareexaan ayaa si weyn loo dareemay, ka hor doorashada Madaxweynaha, waxayna tani wax badan ka bedeshay hadal heyn badan oo maalmihii la soo dhaafay jirtay.

Farmaajo ayaa wata labo qorshe, mid waxaa waaye, isagoo heshiis hoose la galay Shariif Sheekh Axmed oo ah inay wada shaqeeyan, sidoo kale waxaa uu ka faa’ideysanaya kooxaha ku cusub labada aqal ee isbedel doonka ah, sidaas darteed waa xoogan yahay,sidoo kale waxay u badan tahay inuu codad ka helo dadka siyaasad ahaan ka daalay Puntland iyo Siyaasiyiinteeda.

Laakiin waxaa cabsi badan ka jirtaa in Shariifka uu soo geli waayo kaalinta labaad, taasna ay noqoto sidii ay rabeen Kooxda Xasan Sheekh.

Ololaha ugu xooggan waxaa uu bilaaban doonaa maanta duhurkii, waxaa jiri doona dhoolatusyo waa weyn oo ay Musharaxiinta ku soo bandhigayaan cududooda.

Waxaa jiri doona kulamo qado ah oo ay yeelanayaan Musharaxiinta iyo Xildhibaanada, waa kulamo aan loo kala kici doono, Musharax walbana waxaa uu doonayaa inuu xaqiiqsado taageeridiisa ka hor doorashada berri.

Ilaa iyo xalay lagama seexanin Magaalada, kulamada aad ayay u fara badan yihiin, saadashana daqiiqad walba meel ayay u badan tahay, Wax kasta waa ay is bedeli karaan ilaa iyo galabta iyo caawa maadama doorashada beri subaxnimo dhici doonto.

Facebook Comments