Animation

XOG+Sawirro: Cod Iibsashada Xildhibaanada oo xalay ku bilowday lacag gaareysa $100,000 iyadoo maanta uu cirka u kici doono

no responses
Tuesday February 7, 2017 - 9:05 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Musharaxiinta u taagan Madaxweynaha ee halganka ugu jira inay ka adkaadaan Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wada ololihii u dambeeyay oo ay isku baheysanayaan, iyadoo saacadihii la soo dhaafay kulamo gaar gaar ahaa oo aan loo kala kicin yeeshay.

Musharax Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa caawa hoygiisa kulamo kula qaatay Musharax Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, waxaana kulamadan wehliyay xubno ka tirsan baarlamaanka.

Kulanka oo ah mid albaabada u xiran ayaa warar horu dhac ah oo laga helayo ay sheegayaan in laga wada hadlayo sidii labada Musharax Cumar C/rashiid iyo Sheekh Shariif ay isbaheysi u yeelan lahaayeen, isla markaana u mideyn lahaayeen cododkooda, marka la gaaro doorashada Madaxweynaha.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Musharaxiinta aanay wali heysan taageero mid ah oo ay ku maquunin karaan Madaxweyne Xasan Sheekh, sidaas darteedna ay isku baheysanayaan sidii ay uga guuleysan lahaayeen, una mideyn lahaayeen cododkooda, marka la gaaro wareegyada hore ee doorashada.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa ciyaaraya doorar kala duwan, iyadoo la sheegayo in sababaha markii hore uu Muqdisho u yimid ay aheyd inuu taageero Musharax Xasan Sheekh, hase ahaatee haatan uu wado qorshayaal hoose oo uu ku taageerayo Musharaxiinta.

Dhinaca kale waxaa jiray kulamo kale oo galabta ka dhacay Hotel Jazeera, kaasoo ay isugu yimaadeen inta badan Musharaxiinta, waxaana ay ku heshiiyeen inay u hiiliyaan is bedelka cusub, isla markaana Musharaxa ugu codka badan ay taageeraan.

Kulamo aad u xooggan ayaa ka socda Hotelada, xarumaha ololaha Musharaxiinta iyo guryaha ay degan yihiin, waxaana Musharax walba uu dadaal ugu jiraa inuu helo codod ku filan, si ay uga mid noqdaan afarta ugu cododka badan ee u gudba wareega labaad.

Magaalada Muqdisho ayaa gashay jawi ka duwan kuwii maalmihii la soo dhaafay, ololaha bilowday ayaa noqon doona mid habeen iyo maalin isugu mid ah oo aan la seexan doonin, xod xodashada iyo kasbashada Xildhibaanada ayaa aad u socota, Musharaxiinta ayaa furaya boorsooyinkooda, si ay dhaqaale fara badna uga bixiyaan cododka Xildhibaanada, waxaana wali la jaan-goyn qiimaha halka cod ee Xildhibaanka oo warar suuqa la soo geliyay ay sheegayaan in xalay uu ku bilowday $100,000 (Boqol kun oo doollar)

Halkaan Hoose ka daawo Sawirrada