XOG:RW Abiy oo Dhulka ku Jiiday Siyaasiyiin saameyn ku leh Somalia iyo Farmaajo oo sabab u ah

0

Xog gaara ayaa sheegaysa in Ra’iisul wasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed uu markale ka biyo diiday inuu la kulmo qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada iyo Siyaasiyiin saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya.

Abiy oo Saaxiib dhow ay yihiin Madaxweyne Farmaajo ayaa kaga cudur daartay inuu la kulmo Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin kala hadlay arrimo ku saabsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in Abiy Axmed uu Dowlada Federaalka Soomaaliya ka balanqaaday inuusan kulan la yeelaneyn Masuuliyiin ka socda Mucaaradka Dowlada iyo Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada oo Xiriir uusan kala dhaxeyn Dowlada Dhexe.

Inkastoo aanan la wada shaacin Magacyada Siyaasiyiinta saameyn ku leh Soomaaliya ee loo diiday inay la kulmaan Abiy Axmed ayaa hadana loo badinayaa inay ku jiraan kuwa ugu caansan Mucaaradka iyo kuwa Xilal sare kasoo qabtay Dowladihii hore.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hore u sheegay inuu adkeeyey Madaxbannaanida iyo ilaalinta qarannimada Soomaaliya, isagoona sheegay in xiriir iyo heshiis kasta ay la galeen caalamka uu ku salaysnaa soo celinta magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo sare u qaadista maqaamka ay ku leedahay dunida.