Featured Somali News

XOG :- Raiisal wasaaraha Soomaaliya oo ku wajahan magaalada Dhuusamareeb.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali kheyre iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug iyadoona lafilayo inay ka dhacdo halkaas doorashada Galmudug.

Xasan Cali Kheyre ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa safaro hore ku tagay magaalada Dhuusomareeb iyadoona ujeedka safaradiisa ay ahaayeen sidii Galmudug ay ooga dhicilahayd doorasho ay uwada dhanyihiin guud ahaan dadka dega deegaanada Galmudug,waxaana lafilayaa ra’iisal wasaaraha inuu Dhuusamareeb ku sugnaado ilaa ay soo gaba-gabowdo doorashada Galmudug.

Safarka ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Dhuusamareeb uu kajiro  khilaaf udhexeeya Ahlu-Sunna iyo wasaarada Arrimaha gudaha dowlada federaalka Soomaaliya iyadoona khilaafkaas uu ka dhashay magacaabida guddiga farsamada doorashada Galmudug.

 

 

Related posts

Shirka Hanaanka dib u eegista Dastuurka oo ka furmaya Baydhabo

admin

SAWIRRO:-Dawladda FS oo Dawladda Qatar ka heshay 30 gaari oo loogu talagalay Ciidanka Booliiska Soomaaliya

Ahmed sudani

Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga oo Muqdisho ku sugan

admin