Animation

XOG: MAXAA KALA SOCOTAA KULANKA FARMAJO IYO WAFTIGA ITOOBIYANKA BAYDHABO OOGA SOCDA.

no responses
Sunday April 23, 2017 - 2:59 under Somali News by nairobi
mqdefault

Madaxweynaha Soomaaliya Muxumed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Booqashada aan horay loo shaacin ku tagay Magaalada Baydhabo. Waa booqashadii ugu horaysay ee Dalka gudihiisa Meel kabax san Muqdiaho uu ku tago tan iyo intii la doortay.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaaya in Sababta ugu weyn ee Madaxweynaha uu Baydhabo utagay ayaa lagusheegay kulan weyn oo Dhexmari doona Madaxweynaha iyo Madax iyo saraakiil kakala socota Xafiiska Raisal Wazaaraha Ethiopia iyo Wazaarada Arrimaha Dibada iyo Gaashan dhiga ee Ethiopia.

Warar ka ayaa sheegaya in laga wada hadlaayo sidii u wada shaqayn lahaayeen labada Maamul ee ka kala arrimiya Soomaaliya iyo Ethiopia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wali tagin dalka Ethiopia Tanya iyo intii ladoortay ayadoo Markii ugu danbaysay uu booqda ay aheed wagii uu raisal wazaaraha ahaa.

Wada hadaladaan ayaa diirada lagu saari doonaa Booqashada Madaxweyne Farmajo uu ku tagi doona Dalka Ethiopia, Sidii Safaarada Ethiopia looga rari lahaa Villa Somalia iyo ciidan la filaaya in Soomaaliya yeelato.

Ku dhawaad afar sana ka hor ayay aheed Markii sidaan oo kale Wafti kasocday Dowlada Ethiopia oo Baydhabo ku sugnaa ay uyeereen Madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud ayagoo oogu danbayntii ka gaaray danihii lahaayeen.

Isku soo wada duuboo kulankaan hordhacaha ayaa ah imtixaankii ugu horeeyay ee u wajihi doona Madaxweyne Farmajo ayadoo la ogyahay danaha aan qarsoonayn ay Dowlada Ethiopia ka leedahay Dalka soomaaliya kuwaas oo Madax badan oo asaga ka horaysay ku fashilmayn.