Animation

Xog:Madaxweynaha Puntland oo u Olaleynaayo dib usoo laabashada Xasan Sheekh iyo beesha…

no responses
Thursday September 15, 2016 - 7:36 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland qeyb kanoqday siyaasihiinta u olaleneyso madaxweynaha soomaaliya musharixnimadiisa tasoo dhawaan lafilaayo in qeyb kanoqdo musharixiinta xilkaas u tar tameyso.

Ilo u dhow dhow madaxweyne Gaas ayaa shegaya in isfaha weyn haatan kale dhaxeeyo kooxda damul-jadiid oo xilka heyso waxaana lasheegaya in balan qaadyo lacageed iyo xilal loo balan qaaday dowlada cusub ee dhawaan lafilaayo in dalka losoo dhiso.

Xogta ayaa raacineyso hoyga magaalada muqdisho kadeganyahay madaxweynaha puntland kulamo xoogan oga socda odayaasha kasoo jeedo beesha darood iyo waliba siyaasihiin kasoo looga dhaadhicinaayo in tageero u muujiyaan madaxweynaha soomaaliya oo musharixiinta qeyb ka ah.

Wararka heleyso badweyn.com ayaa sheegaya in madaxweyne Gaas maanta qeyb ka ahaa wafdi madaxweynaha soomaaliya hogaamin lahaa oo safar kutagi lahaa magaalada Jowhar oo lafilaayo in halkaas kafurmo shir maamul goboleedyo loogu dhisaayo Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Lama oga tageerada haatan u muujinaayo madaxweynaha Puntland musharaxa xilka madaxweynaha soomaaliya utaagan ee Xasan Sheekh sida ugu cuntami doonto shacabka Puntland iyo waliba siyaasihiinta kasoo jeedo wallow madaxweynihii hore Puntland kamid yahay musharixiinta xilkaas utaagan.