Animation

XOG+KASHIFAAD: Wasiir siraaji shil miyuu ku dhintay mise bareer cad ayaa loo toogtay??

no responses
Thursday May 4, 2017 - 1:33 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Habeenkii xalay ahaa Maleeshiyaad ilaalo u ah hantidhowrka qaranka ayaa dilay wasiirkii wasaaradda howlaha guud iyo guryeenta xukuumadda Soomaaliya Cabaas C/laahi Siraaji xilli uu ku wajahnaa Villa Soomaaliya.

Wasiirka wuxuu ahaa nin dhallinyaro ah, wuxuu watey gaari nooca raaxada ah, ma ahayn wasiirada gala gaadiidka xabadda looga gambado, wuxuuna ahaa shaqsi muujinayey nabadda Muqdisho iyo sidoo kale in uusan ku takri fali hantida qaranka.

Hadaba wakaaladda warqaad ayaa sameysay baaritaan aad u dheer oo ku aadan sida ay wax ku dhaceen, wixii laga soo xigtay dadkii meesha joogay iyo sidoo kale wuxuu sheegay hanti dhowraha.

Hanti dhowraha wuxuu sheegay in ciidankiisa iyo ciidan ilaalo u ahaa wasiirka ay is qoomeen, meeshana dagaal uu ka dhacay, sidaasina uu ku dhintay wasiirka, balse arag sawirka hoose inta aan wax kale ka hadal:

Xabaddu waxay ku taalla hal meel oo kaliya, waa mid toogasho waliba af saar ah, waana mid aan dagaal ku imaan, sidoo kale waa booskii uu fadhiyey wasiirka ileen isagaa gaariga kaxeynayeen.

Haddii la dagaallamay aaway rasaastii kale ee la ridey, sidii ayaa wasiirka kaligiis loo toogtay, haddii howshu shil ahayd gaariga maxaa looga heli waayay rasaas kale.

Saiwrkaan kale ee aad aragtaan waa gaariga oo aan wax kale oo dhibaato ah gaarin, waxaana meesha ka cad in si kas ah loo dilay wasiirka, dowladdana loo baahan yahay iney tallaabo qaaddo.

Waxaa ugu horreyn mudan in cadaaladda la horkeenno ciddii xabadda ku dhufatay wasiirka, sidoo kalena waxaa la doonayaa in maxkamad lasoo taago walina la xukumo xeer Hantidhowrka iyo sidoo kale ciidamada kale ee la socotay.

Soomaaliya waxay xali weysay nin dhallinyar oo hammi fog lahaa, shalay oo ay ugu dambeysayna soo bandhigay qorsheyaal dalka iyo dadka wax badan loogu qaban lahaa.

Taariikh kooban:

Wasiirkii Howlaha Guud & Dib-u- Dhiska: waxaa uu u dhashay Digil iyo Mirifle, waxaa uu dhashay 1986-dii, in ka badan 20 sano waxaa uu ku noolaa xeryaha qaxootiga ee Kenya, Xerada IFO ayuu uga baxay dugsi sare, shahaadada koowaad waxaa uu diyaariyay Cilmiga Computer-ka, Jaamacadda Nairobi ee dalka Kenya, waxaa uu ka mid noqday xildhibaannadii lagu soo doortay Kismaayo, Xukuumadda Xasan Khayre ayaa loo magacaabay wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska, 3 May 2017-kii ayaa lagu dilay Muqdisho.