Animation

Xog+Fadeexo: Xasan Shiikh oo Weji gabax la Kulmay Kadib Markii loo diiday in uu Booqdo Safaarada Imaaraadka Carabta ee Muqdisho

2 responses
Thursday November 24, 2016 - 4:36 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha dowladda Federaalka ee waqtigiisa dhammaaday Xasan Sheekh Maxmuud ayaa weji gabax aan horey loo saadaalin kala kulmay safaaradda Imaaraadka ee magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa damacsanaa inuu booqdo safaaradda hase ahaatee waxaa la sheegay in halkaasi loo diiddey.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in xubno doonayey in Xasan Sheekh usii gogol xaaraan booqashadiisa safaaradda Albaabka xitaa loo diidey iney soo galaan.

“Waxaa yimid ragga Partocolka u qaabilsan Madaxweynaha, waxay doonayeen  iney mas’uuliyiinta safaaradda u sheegaan in  Madaxweynaha soo socodo, balse waxaa loo sheegay in aaney ammar u qabinin madaxweynaha uu soo booqdo safaaraddooda, sidaasi ayeeyna ku noqdeen” sidaasi waxaa Warqaad u sheegay qof Soomaali ah oo ka shaqeeya safaaradda.

Xasan aad buu uga carroodey arrintaasi, wuxuu isku dayey inuu si qasab ah ku tago halkaasi, balse la taliyeyaashiisa ayaa u sheegay inuusan is sii ceebeyn oo baajiyo qorshihiisa.

Xasan waxa uu  doonayey inuu isku dayo inuu dib usoo celiyo xiriirkii kala dhaxeeyay Imaaraadka, kaasi oo dhowaan burburay, balse Imaaraadka go’aan ayuu ka gaaarey Xasan Sheekh.

Dowladda Imaaraadka ma dooneyso inuu soo laabto Xasan Sheekh, waxayna taasi bedalkeeda dooneysaa iney taageerto hadba musharraxii meesha ka saari kara Xasan.

Imaaraadka Carabta ayaa markii uu isuguyeerayey maamul goboleedyada wuxuu kala hadlayey in aysan soo dooran Xasan Sheekh, keenaanna xildhibaanno Xasan mucaarad ku ah.

Xigasho Warqaad.com