XOG:Abaabul ka dhan Farmaajo oo ka socda Kenya (Caburinta Xisbiyada oo Go’aan laga soo saarayo)

0

Wararka naga soo gaarayo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya,ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo shir siyaasadeed ka dhan ah Xukuumadda Nabad iyo Nolol,kaasi oo ay leeyihiin Xubno ka socda Xisbiyada Mucaaradka.

Xubnahan ayaa sidoo kale kullamo la leh Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta Soomaaliya ee ku sugan Kenya iyagoo kala hadlayaa  sidii loo taageeri lahaa ololaha ka dhanka Madaxtooyada Soomaaliya ay wadaan.

Waxyaabaha ugu waa weyn ee Kulamada lagu falanqeeyay waxaa ka mid ah in meel looga soo wada jeesto Dagaalka Villa Somalia ay ku heyso Xisbiyada Mucaaradka maadaama ay diyaar garow iyo olole usii galayaan Doorashada soo socota.

Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa labo jeer hakisay Seminaaro Muqdisho iyo Baydhabo ay ku lahaayeen Xisbiyada Mucaaradka ay kala hoggaamiyaan Ex-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur Warsame.