XOG:- Xukuumada somaliya Oo Wadda Qorshe Halis ku Ah Siyaasinta Mucaaradka ah & Shacabka

0

Guddiga kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka u qaabilsan diyaarinta Sharciga doorashooyinka, ayaa la sheegay in wadaan qorshe talo soo jeedin ah, oo ku saabsan in muddo dheeraad ah loogu daro Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in gudigaas ay wadaan qorshe ay muddo 2 sano ilaa 3 sano ah soo jeedin doonaan in loogu daro Baarlamaanka iyo Madaxweynaha iyadoo la eegayo daruufaha dalka ka jira.

Guddigaan malahan awood ay muddo kordhin ugu sameyaan hey’adaha dowladda, balse waxay leeyihiin saameen suurta gal ka dhigi karta tala soo jeedintooda.