Animation

XOG : Xukuumada Saacid oo aheyd midii si adeg u difaacday BADA Soomaaliya.

no responses
Tuesday September 20, 2016 - 7:17 under Breaking News by admin
mqdefault

 

Xukumaddii Ex-Raisalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid ) ayaa lagu tilmaama Xukumaddii ugu waxqabad iyo daacadnimadda badnayd ee soo marta dalka Soomaaliya intii ka dambaysay burburkii Dawladii Kacaanka ahayd ee uu hormuudka u ahaa AUN Jaalle Maxamed Siyaad Bare.

Xukumaddi Shirdoon waxay 6 June 2013 kulan ay golaha Wasiiraddu yeesheen ganafka ku dhufteen inay dood iyo muranka ka galaan dhul iyo bad Soomaaliyeed isla markaasna waxaana Golaha wasiiradu shaaciyeen inaysan munaasib ahayn in dhul Soomaaliyeed muran la galiyo.

Xukumaddi Mudane Shirdoon ayaa lagu tilmaamaa Xukumaddi la dagaalantey Musuq-Maasuqa iyo la dagaalanka Argagixisada,waxaana xukukumaddi Saacid ahayd Xukumaddii ugu tayadda badnayd xukumadiihii dalka soo maray iyadoo ay dad badan la dhacsanaayeen waxqabadkii Xukumaddi Shirdoon.

Sidoo kale Xukumaddii Ex-Rasalwasaare Shirdoon ayaa ahayd Xukumaddii kali ahayd ee tagtey inta badan gobolladda dalka Soomaaliya isla markasna si wada jir ah ay shacabka Soomaaliyeed soo wada dhawayeen lana riyaaqeen waxqabadkeeda.

Halkan ka akhriso go’aankii xukuumada Saacid;

 

 

 

XIGASHO: Cabudwaaqnews.com