Animation

XOG: Xiliga Sheekh Shariif uu imaanayo Muqdisho, Ciidamo gaar ah oo loo diyaariyay & Ololahiisa oo…

no responses
Saturday September 17, 2016 - 7:06 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa dhowaan la filayaa inuu magaalada Muqdisho uga dhawaaqo musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu ku soo wajahan yahay caasimadda maalmaha soo socda, waxaana magaalada laga dareemayaa qabanqaabo ay wadaan taageerayaashiisa.

Sheekh Shariif ayaa taageerayaal badan ku leh Soomaaliya iyo magaalada Muqdisho, waxayna dad badan aaminsan yihiin in ninkii xilka ugu danbeeyay xaaladda uga sii daray, taasoo Sheekh Shariif laftiisa uu sheegay haddii xaalad ka fiican la galay kadib markii uu xilka ka tegay inuusan is sharxi doonin.

Xaaladda ammaanka Shariifka oo hore welwel uga jiray ayaa la sheegay in hadda la xaliyay markii ciidamo gaara loo sameeyay ilaaladiisa oo ay ka mid yihiin kuwa AMISOM, waxaana socda diyaargarowgii ugu danbeeyay ee Sheekha lagu soo dhoweynayo.