Top News

XOG: Xildhibaano Dagaal kula jira Kheyre oo Muqdisho kulamo ka wada

Warar hoose oo ay heleyso Wakaalada Warqaad.com ayaa sheegaya in Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Xilal sare ka doonaya Xukuumadda Soomaaliya ay Muqdisho ka wadaan kulamo ay kaga soo horjeedaan Ra’iisul wasaaraha Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul wasaaraha Kheyre ayaa la filayay in horaanta sanadkan 2019 uu isku shaandheyn ku sameeyo Xukuumadiisa, balse waxaa ka taagan dodo iyo isqabqabsi u dhaxeeya Beelaha qaar oo ka gadoodsan Xilalka loo bandhigay.

Sidoo kale Xildhibaano uu hore balanqaad ugu sameeyay Ra’iisul wasaaraha ayaa si weyn kaga xumaaday in ay isku arki waayeen Liiska la hadal hayo.

Qaar ka mid ah Hotelada Muqdisho waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay kulamo ka dhan Ra’iisul wasaare Kheyre waxaana arintan ay ka dambeysay ka dib markii la sheegay in Xildhibaanadan ay ka careysan yihiin Ra’iisul wasaaraha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Todobaad ka hor ka codsaday Ra’iisul wasaaraha in dib loo dhigo Isku shaandheynta Wasiiradda maadaama Khilaafka ku hareereysan uu kordhay.

Related posts

Cali Khaliif oo jawaabay Culus  kabixiyey  Hadalkii  ka soo yeeray Saleebaan Gaal.

gurey

Sirdoonka Qaranka Oo Dhulka Ku Jiiday Alshabaab.

admin

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo Maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo Xili Laamaha Ammaanka ay Fashiliyeen Qarax lagu…

admin